Juxa ‘’qayb kama noqon doono muddo kororsi loo sameeyo Deni’’

Juxa ‘’qayb kama noqon doono muddo kororsi loo sameeyo Deni’’

Garoowe (Raxanreeb ) Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ka hadlay muddada sanadka iyo barka ah ee ka dhiman maamulka saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka oo dhowaan loo magacaabay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in sababaha hadda u soo  galay xukuumadda Deni ay tahay sidii uu qayb ugu qaadan lahaa geediga socda ee lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah .

‘’Waxaan rabnaa in aan talada dib ugu celino dadka , isla markaana la gaaro himiladii ahayd doorasho qof  iyo cod ah oo soo jirtay 24-kii sanno ee la dhaafay haddana la joogo hergalinteeda ‘’ ayuu yiri Wasiir Juxa.

Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay in doorashadu ay tahay qayb ka mid ah dib u heshiisiin , isla markaana ay doonayaan in dhamaan dadka reer Puntland ay muujiyaan dulqaad  lagu hergalinayo doorasho qof iyo cod ah .

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa intaas warkiisa ku daray  in uusan qayb ka noqon doonin muddo kororsi loo  sameeyo maamulka hadda jira  ee madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni.

Waxa uu sheegay Wasiirka in  isaga iyo maamulka jira ay diyaar u yihiin in ay abuuraan jawi nabadoon oo lagu qabto doorasho la isla ogol  yahay oo  daah furan.

Wasiirka ayaa  yiri ‘’Ma jirto wax la yirahdo ku darsasho Juxana qayb kama ah  ‘’

Hadalkan ayuu Wasiirka arrimaha gudaha sheegay mar uu la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Leave a Reply

Your email address will not be published.