Isku tuur -tuurka amniga Beledwayne ma saadaal fiicna !!

Isku tuur -tuurka amniga  Beledwayne ma saadaal fiicna !!

Muqdisho ( Raxanreeb ) Tan iyo markii magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ay ka dhaceen qaraxyo waa -wayn oo waxyeelo gaystay waxaa soo baxaya digniino ku saabsan amniga magaalada Beledwayne.

Magaalada durbadiiba waxaa ka bilowday guux badan oo ku saabsan sida ay u dhaceen qaraxyadan iyo gawaarida sida ay u soo galeen gudaha magaalada , lana beegsado xarunta lama-galaay ee Beledwayne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte ayaa meel- fagaaraha ka sheegay maanta oo Arbacaha in muhiim ay tahay in xilka laga qaado saraakiisha ciidan ee isugu jira boolis iyo Nabad sabab ku saabsan dayaca amniga.

Cali Jayte waa uu sii hadlay oo waxa uu sheegay in Baabuurtan ay ka soo gudbeen dhanka Buundada ” Qoraxsin ” halkaas oo uu yiri hareeraheeda waxaa ku sugan ciidan ka qayb qaata sugida amniga magaalada Beledwayne.

Wuxuu ka codsadey dowladda Soomaaliya in labada taliyeyaasha qeybta ee booliiska iyo nabad sugidda ay ku sameyso baaritaan, maadaama ay dayaceen mas’uuliyaddii loo soo igmadey.

Tilmaanta uu bixiyay , Guddoomiye Cali Jayte ayaa keentay su’aalo badan in la galiyo amniga magaalada Beledwayne oo ku jirta marxalad adag oo dadka deegaanka ay isaga dulqaadayaan kooxda Al- Shabaab.

Xildhibaan Daahir Aami Jeesow oo soo muuqday isagoo wata qori AK47 isla markaana xiran boobash-ka rasaasta ayaa sheegay in magaalada Beledwayne ay xiran tahay oo Bandow uu ka jiro isagoo maamulka ka codsaday in jidadka la furo , oo ganacsiga la fasaxo.

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow ayaa isagana sheegay in gadiidkas aysan ka soo gudbin Buundada Liiq-liiqato balse loo sheegay in dhanka Bari in ay ka yimaadeen isagoo xusay in aysan ahayn in hal dhinac loo xagliyo wixii ka dhacay Beledwayne.

” Cali Jayte far ayaa kugu godan maxaa reer qoraxsin Al- Shabaab ugu timbaraynaysaa maxaad u leedahay Buundada hala kala xiro ” ayuu yiri xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo u muuqday inuu aad uga caraysanaa in Guddoomiye Cali Jayte amar ku bixiyay in il – gaar ah loo yeesho dadka ka imaanaya Qoraxsin.

Hadaladan oo ku soo aaday xili dadka gobolka Hiiraan uu ku furan kacdoon ay isaga dulqaadayaan Al- Shabaab ayaa keeni kara in meesha ay ka baxdo awoodaha midaysan ee beelaha wada- dega gobolka Hiiraan oo hadda wada kulmiyay hal aragti.

Sii socoshada hadalada xanafta leh ayaa u keeni kara dadka gobolka Hiiraan haddii aan hoos loo dhigan kala dhantaalida howlgalada ka socda gobolka Hiiraan oo ah halka uu ka bilowday kacdoonka ka dhan ah Al- Shabaab.

W.Q Hanad Ali Guled.

Raxanreeb- Mogadishu

Leave a Reply

Your email address will not be published.