Garoowe (Raxanreeb )- Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Garoowe Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi DENI.
Safarka Madaxweyne hore Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xili uu si ba’an uga soo horjeedo nidaamka uu ku socdo waxka beddelka dastuurka Federaalka, kaas oo Puntland banaanka ay ka joogto.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii xalay u yeeray qaar kamid ah golihiisa wasiirada, waxaa wararku sheegayaan in uu kala hadley safarka madaxweyne Farmaajo kana codsadey in la isu diyaariyo soo dhaweyntiisa.
Ujeedka ugu weyn ee Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah sidii la isugu duba ridi lahaa qorshaha looga hortagaayo qaabka uu ku socdo wax ka beddelka dastuurka.
Leave a Reply