Go’aankii la filayay ma soo saareen Golaha Wasiirada ?.

Go’aankii la filayay ma soo saareen Golaha Wasiirada ?.

Muqdisho (Raxanreeb )- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey guulaha ciidamada amniga iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka dalka loo sifeynayo kooxaha nabad-diidka ah ee baneystay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha warbixin sanadeedka-2023 guulihii  laga gaaray Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.

Golaha  Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah lagu waday inay ka so saaraan qodobo muhiim u ah  amniga dalka , maadama tuhun badan uu ka dhaliyay weerarkii Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.