Kate Foster ‘’Soomaaliya waxaan kala shaqayn doonaa Amniga‘’

Kate Foster ‘’Soomaaliya waxaan kala shaqayn doonaa Amniga‘’

Muqdisho (Raxanreeb)Danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya  Kate Foster ayaa sheegtay in UK diyaar ay la tahay Soomaaliya in ay ka caawiso la dagaalanka Al -Shabaab.

Hadalkan ayaa yimid ka dib kulan magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Kate Foster safiirka UK ee Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa u sheegay safiirka in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in ay soo afjarto Al Shabaab isagoo codsaday in arrintaas laga gacan siiyo.

Danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sugida iyo xasilinta Amniga dalka.

Waxa ay sheegtay Mrs Foster in si wanaagsan  Dowladda Soomaaliya ay ugula shaqayn doonaa xalisinta  iyo sidii loo  jabin lahaa A- Shabaab.

Inta uu socday kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday xasilinta goobaha laga saaray Al- Shabaab iyo qorshaha kale ee meelaha ay ku wajahan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa ka mid ah dowladaha  Amniga ka taageera Soomaaliya, waxaana ay tababar siisaa qaar kamid ah Ciidamada xoogga dalka ee lagu tababaro degaannada Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.