KENYA : Nin Soomaali ah oo rasaas ku furay dibadbaxyaal oo xabsiga la dhigay.

KENYA : Nin Soomaali ah oo rasaas ku furay dibadbaxyaal oo xabsiga la dhigay.

Mombasa (Raxamreeb )- Hay’adaha amaanka dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta ay ku soo dhigeen , mid ka mid ah ganacsatada ismaamulada magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Waxaa loo haystaa  inuu rasaas ku furay dadwayne  mudaaharaadayay islamarkaana dhaawacay labo qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaashii isugu soo baxay Mombasa.

Warkan waxaa warbaahinta la wadaagay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo tilmaantay in ay ku hayaan eedaysanayaasha baaritaan dheeraad ah.

DCI-da ayaa xustay in ganacsadaha dilka u gaystay banaanbaxyaasha oo Soomaali ay ku  jirtay in lagala wareegay bistaalood uu adeegsaday

Dhanka kale, dibadbaxayaasha oo ka carooday toogashada uu gaystay ganacsadahan ayaa gubay 5 baabur oo goobtaaasi ganacsi horyaallay, islamarkaana ay burbur xooggaan u gaysteen maqaayadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.