Kenya oo ciidamo ku daabulayso caasimadda Nairobi xilli laga cabsi qabo dibad baxyo

Nairobi (Raxanreeb) — Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa lagu soo daabulay ciidamo aad u badan, kadib markii dowladda ay mamnuucday dibadbaxyada mucaaradka oo la qorsheeyay inay dhacaan Khamiista.

Warbaahinta Maxaliga ah ayaa baahisay sawirada Booliska Rabshadaha oo fadhiisimo ka dhigtay goobaha mucaaradku ku leeyihiin guud ahaan magaalada.

Waddooyinka soo gala guriga madaxweynaha ayaa sidoo kale la dhigay boolis. Goobaha ganacsiga ayaa furan, waxaana socda howlaha gaadiidka dadweynaha.

Maamulka ayaa, si kastaba ha ahaatee, joojiyay adeegyadii tareenada ee Nairobi ka hor mudaaharaadyada la filayo.

Dibad-baxayaasha magaalooyinka galbeedka ee Kisumu, Homa Bay iyo Migori ayaa saaka waddooyinka ku xiray dhagxaan, sida ay sheegtay warbaahinta.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa arroornimadii saaka tagay xafiiskiisa, waxaana uu shacabka ku booriyay inay iska xaadiriyaan goobahooda shaqada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.