Golaha Wasiirada ‘’ Bajaaj lama soo dejin karo dalka , waa dembi ‘’

Golaha Wasiirada ‘’ Bajaaj lama soo dejin karo dalka , waa dembi ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre ayaa lagu ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta.

Nuxurka kulanka Golaha Wasiirada ee maanta oo Khamiis ah ayaa kala ahaa  Qodobadan.

Golaha wasiiradda ayaa ka dooday dhibaatooyinka loo geesto darawalada mooto bajaajta iyo sidoo kale dhibaatooyinka amni darro ee iyana lagu geesto mootooyinka bajaajta iyo kuwa kale ee laba lugaaleyda ah.

𝟭: Laga billaabo 1-April-2023 waxaa la hakiyay soo dejinta mooto bajaajta.

𝟮: Laga billaabo 1-30-April-2023 waxaa la tiro koobayaa mooto bajaajta caasimada, waana la midabaynaa iyadoo sumad ka kooban A iyo B loo sameynayo.

𝟯: Lamasiin karo ruqsadda wadiska mootoda qof kayar 18 sanno

𝟰: Laga billaabo 1-May-2023 waxaa la joojinayaa  bisinka taarikada mooto bajaajta illaa amar-dambe.

𝟱: Wasaaradda gadiidka, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda amniga ayaa u xilsaaran fulinta qodobada kor ku xusan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.