Kenya oo ku dhawaaqday in ay dib ufureyso xadka Mandheere ee Soomaaliya.

Mandheera ( Raxanreeb ) Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso xudduudka Mandhera ee ay Soomaaliya la wadaagto, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo ammaanka xudduudka iyo la dagaallanka badeecooyinka Kontorobaanka ah.

Kenya ayaa sheegtay in qorshaha dib loogu furayo xudduudka Mandheera ay la wadaagto Soomaaliya uu heer gabo-gabo ah marayo, kadib wadatashi heer sare ah oo labada dal ay yeesheen.

Wasiirka amniga gudaha Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera kadib ayaa sheegay in dib u furista xadka Soomaaliya ay wax badan ka baddali doonto ammaanka xudduuda, isla markaana ay joojineyso dhaq dhaqaaqa badeecadaha koontarabaanka ah ee loo isticmaalo in lagu maalgeliyo ‘dhaqdhaqaaqyada argagixisada.’

Leave a Reply

Your email address will not be published.