XOG :Villa Soomaaliya oo laga diiday qorshe miiska u saarnaa

XOG :Villa Soomaaliya oo laga diiday qorshe miiska u saarnaa

Baydhabo ( Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in tan & xalay halkaas ay ka socdeen kulamo loo kala kicin.

Kulamadan ayaa inta badan u dhaxeeyay Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnah mucaaradka ah kuwaas oo doonaya in meesha uu ka baxo Laftagareeen.

Warar ayaa sheegaya in Villa Somalia laga diiday qorsha ahaa in hal mar ay isla dhacaaan Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Barlamaanka maamulkaas oo ku eg muddo 10 bilood.

Golaha Midowga musharaxiinta auaa arinkaas si cad u diiday waxaana lagu balamay in markale la isku soo laabto 24saac gudohooda si loo sii ambaqaado shirarka xalka loogu raadinayo  KGS.

Magaalada Baydhabo wali kama furin wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta waxaana taas sabab looga dhigayaa sharuudaha is barbar socda ee miiska u saaran dhinacyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa ka dib wada hadalada dhamaadkooda in KGS Madaxwayne ay uga dhigto shaqsi iyada ay wadato doorasho la’ aana uu baxo Cabdicasiis Laftagareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.