Raxanreeb (Nairobi) Maxkamada sare ee Kenya ayaa Beri oo Isniin ah lagu wadaa in go’aan ay ka soo saarto dacwada la xiriira muranka ka dhashay doorashadii Guddiga doorashada Kenya ay sheegeen inuu ku guulaystay Willeim Ruto.
Go’aanka Beri oo Isniin ah ayaa soo afjari doono dhamaan muranka ku saabsan natiijada doorashada oo Raila Odinga uu ku doodayo in wax badan la is daba mariyay oo doorashada ku saabsan.
Haddii maalinta beri Maxkamada Sare ee Kenya ay ku dhawaaqdo natiijada doorashada ayaa Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhamaaday bilaabi doono inuu ka guuro Madaxtooyada dalkaas oo laba xili oo is xig xiga uu maamulayay.
Qareennada Mr Odinga ayaa waxa ay sheegeen in 41 goobood oo dadka ay codkooda ku dhiibteen foomamka bogga guddiga lagu daabacay in la baddelay si sare loogu qaado saamiga Mr Ruto.
Maxkamadda Sare ayaa taariikhda Kenya markii ugu horreysay baab’isay guushii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ka gaaray Odinga doorashadii 2017-kii sababo la xiriira ‘khaladaad ka dhacay doorashada’ waxaana Kenyattaa uu markii dambe ku guuleystay doorashadii ku celiska aheyd, taas oo uu mar kale qaaddacay Odinga.
Go’aanka maxkamadda oo noqon doona mid kama dambeys ah ayaa haddii ay baabi’iso natiijada waxay noqon doontaa in muddo 60 maalmood ah lagu qabto doorasho cusub.
Leave a Reply