Beledwayne (Raxanreeb ) Isagoo aad uga caraysan Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte waxa uu sheegay in la joogo waqtigii la dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab .
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraa ayaa xusay in aan laga baqin xilligan la joogo Al- Shabaab naftuna aysan go’in laba jeer.
”Doorkeennu tacsi ma ah, ma cid baa biyo ka imaanayaan haddii ay xabad ku dhacdo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte.
Dadka Gobolka Hiiraan ayuu ku canaantay Guddoomiyaha gobolkaas sida ay uga gaabiyeen dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa la arkayay maalmihii la soo dhaafay , isaga oo jooga aaga dagaalka ee gobolka Hiiraan isla markaana hubkiisa sita.
Degaano ka mid ah gobolka Hiiraan waxaa xilligan ka socda dhaqdhaaq ciidan oo ka dhan ah Al- Shabaab oo ay hor kacayaan dadka degaanka oo is abaabulay kuwaas oo la magac baxay macwiislay.
Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dagaallo culus iyo weeraro ‘aargoosi ah’ oo ay kooxda Al-Shabaab ka billowday gobolkaasi, iyada oo gubtay ceelal iyo guryo ay leeyihiin shacab.
Leave a Reply