Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeelanaya , Hoggaamiyaasha SSC – Khaatumo iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda si gaar ah Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.
Is araga labada dhinac ayaa noqonaya kii ugu horeyay oo tan iyo markii la dhisay hoggaanka maamulka SSC- Khaatumo ka dib rabasho badan oo ka dhacay deegaanadaas.
Sida ilaha ay sheegayaan , Ra’iisulwasaaraha ayaa casuumad rasmi ah u fidiyay hogaamiyaha loo doortay SSC – Khaatumo.
Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa la kulmaya Madaxda dowladda Federaalka iyo sidoo kale Beesha Caalamka, gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho.
Lama oga ilaa iyo hadda haddii Firdhiye uu madaxda dowladda federaalka kala hadli doono arrimaha federaalka iyo in kale.
Maamulka Khaatumo ayaa looga dhawaaqay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, maamulkan ayaana doonaya in uu ka madax bannaanaado labada maamul kale ee Somaliland iyo Puntland oo dhulka maamulkaasi ka jira siyaabo kala duwan u sheegta.
Leave a Reply