DIGNIINTA : U  toog haynta El Niño dalalka Soomaaliya ,Kenya & Itoobiya

DIGNIINTA : U  toog haynta El Niño dalalka Soomaaliya ,Kenya & Itoobiya

Muqdisho (Raxanreeb ) Arbacada oo ku beegan 4-ta Oktoobar 6-da galabnimo waxaa bartamaha Soomaaliya iyo Bariga Itoobiya laga filayaa inay ka da’aan roobab lixaad leh oo ay daadad xoog leh ka dhalan karaan.

Roobabkaas waxa la filayaa inay socon doonaan ilaa maalinta dambe ee 5-ta bisha October ilaa  habeenkeeda oo dhan.

Roobabkaas culus ayaa laga yaabaa inay ku fidaan degmada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya.

Dhanka bartamaha Soomaaliya iyo bariga Itoobiya waxay saadaashu sheegaysaa inay la tacaali doonaan khatar halis ah oo dhimasho iyo burbur hanti dhalin kara oo ay sababi karaan roobabka lixaadka leh iyo daadadka ka dhasha, haddii aan dedaal iyo taxadar lala imaan.

Arrinta khatarta leh waxay tahay in wadamada bariga Africa ay saa’id ugu baraarugsan yihiin waxa dhici kara, digniinaha shacabkooda loo dirayana ay dadku si dhab ah u qaadanayaan, laakinse dadka Soomaaliyeed aysan iyaguna baraarugsanayn, maamulada wadanka jirana wax u diyaarin, taasoo ah khatar aan la dhayalsan karin.

Waxaan la soconaa wixii todobaad ka hor ka dhacay wadanka liibiya oo kumanaan ku dhinteen daadad soo rogmaday oo roobab lixaad leh sababeen, iyadoo ay jirtay digniin la’aan iyo tabaabushi la’aan.

Magaalooyinka Beledweyne, Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha wasaaradda cimillada iyo deegaanka Soomaaliya ay si gaar ah ugu digayso in ay samayn karto.

Sida oo kale magaalooyinkii awel horeba caanka ku ahaa ahaa fatahaadaha iyo daadadka ayaa iyana la saadaalinayaa in ay la kuomi karaan isbeddel cimileedka El Niño.

Qore: Galad Jaamac/ Raxanreeb

Leave a Reply

Your email address will not be published.