Khasaaraha Weerarkii Hotelka Hayaat oo Sii Kordhaya iyo Meydad Laga Soo Saaray

Khasaaraha Weerarkii Hotelka Hayaat oo Sii Kordhaya iyo Meydad Laga Soo Saaray

Muqdisho (Raxanreeb) —Waxaa weli hotelka Xayaat ka socda dagaal qaatay wax ka badan 20 saacadood, kaas oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo koox gudaha u gashay hotelka oo habeenkii xalay ahaa weerar lagu loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dhuftay iridda hore , waxaana markaas kadib gudaha ugalay koox hubaysan oo ka dhax dagaalamaya qeybta sare.

Ciidanka Kumaandooska ayaa ilaa iyo xalay isku dayayay inay kasoo badabaadiyaan dad ku go’doomay gudaha, waxaana sacadii dambe soo baxayay in ciidanku qeybo kamid ah hotelka ay galeen iyagoo soo saaray meydadka 10 ruux, kuwaas oo lagu waramayo in ay yihiin Odayaal dhaqameed, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay dhaawaca 10 oo kale sida laga helayo.

Meydadka iyo dhaawaca waxaa soo saaray gaadiidka gurmadka deg deg ah, iyagoo u qaaday Isbitaallada Muqdisho si ay dadkooda ay u aqoonsadaan, ciidanka ayaa habeenkii xalay sidoo kale soo badbaadiyay dad badan oo ay ku jirtay hooyo iyo sedex caruura ay dhashay, waxaana ilaa iyo hadda socda rasaas laga maqlayo guda hotelka oo oo u dhaxaysa labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.