Khasaare ka dhashay dhulgariir kale oo ku dhufay Morocco

Khasaare ka dhashay dhulgariir kale oo ku dhufay Morocco

Morocco (Raxanreeb) Wararka laga helayo dalka Morocco ayaa sheegaya in halkaas markale uu ruxay dhulgariir xooggan kaas oo – gaystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shacabka dalkaas ku  nool ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah seexday waddooyinka magaalada Marrakech iyadoo askarta iyo kooxaha gargaarka caalamiga ah oo wata gawaarida waaweyn iyo dayuuradaha qumaatiga u kaca ay bilaabeen inay ku sii qulqulaan magaalooyinka buuraha fogfog

Masiibadan ayaa dishay in ka badan 2,100 qof – iyadoo tirada dhimashada la filayo inay kor u kacdo – Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in 300,000 oo qof ay saameeyeen dhulgariirkaas oo cabirkiisu ahaa 6.8 habeenkii Jimcaha.

Dhulgariirka ayaa cabirkiisa horudhaca ahaa 6.8 markii uu dhacay 11:11 p.m., wuxuuna socday dhowr ilbiriqsi,. Isku dhaca taarikada tectonic ee Afrika iyo Eurasian ayaa ka dhacay meel qoto dheer, taas oo ka dhigaysa dhulgariir aad u khatar badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.