Khilaafkii  ka taagnaa kursiga HOP 176 oo heshiis laga gaaray

Khilaafkii  ka taagnaa kursiga HOP 176 oo heshiis laga gaaray

Muqdisho (Raxanreeb ) Kulamo is daba- joog ah oo ka soconayay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay maalmahan ayaa heshiis laga gaaray doorashada kursiga sumadiis tahay HOP 176 ee deegaan doorashadiisu ay tahay koonfur Galbeed.

Madaxwaynaha koonfur Galbeed iyo Odayaasha dhaqanka ee iska leh kursiga oo qaatay kulamo badan  joogta ah ayaa Madaxwayne Laftagareen iyo Odayaasha dhaqanka isku afgarteen in doorashada soo socoto  kursigan uu noqdo mid furan oo aan loo xiran shaqsi gaar ah.

Siyaasiga Dr Maxamed Ibraahim Bilaal  oo  dadaal badan ku bixiyay sidii loo gaari lahaa  heshiis keeni kara in si nabada ah loo maareeryo  kursiga oo caqabado badan ku heeran  ayaa Odayaasha ku dhiiragaliyay in ay muujiyaan dadaal maadama ay aad ugu xumadeen sida wax loo maareeyay.

Dr Bilaal ayaa  u sheegay Odayaasha dhaqanka in ay qaataan hadalka Madaxwayne Laftagareen oo ah in la muujiyo tansuul isla markaana inta xilka uu joogo ka shaqayn doonto in kursigaas HOP 176 uu noqdo mid furan isla markaana uu qori doono warqad arintaas uu cadaynayo inta uu joogo xafiiska ama xitaa hadii uu xafiiska baneeyo labaduba.

Aqoonyahan  Dr Bilaal ayaa Odayaasha faray in ay qaataan hadalka Madaxwaynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen  isla markaana seddaxda sanno ee soo socota loo daayo kursiga agoonta uu ka dhintay AUN xildhibaan Boorow.

Kursiga ayaa la xusuustaa dhibaatadii xoogaan ee ka dhashay sanadkii 2016-kii xilligaas oo   uu xiray , Madaxwaynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed shariif  Xasan Sheekh Aadan , si taas loogu baaqsadana    Dr Bilaal ayaa u sheegay Odayaasha in ay ka eegan dhanka xalka ah Madaxwaynaha koonfur Galbeed uu ka gaaray  kursigaas iyo doorashadiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.