Golaha shacabka oo meelmariyay Sharciga la dagaalanka Argagaxisada

Golaha shacabka oo meelmariyay Sharciga la dagaalanka Argagaxisada

Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaanada Golaha shacabka ee  Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah meel mariyay sharciga argagaxisa oo  in muddo ah doodiisa ay ka socotay xarunta Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa qaarkood duray , qaar ka mid ah qodobada ku jira sharciga argagaxisada ,  halka  kuwo kale  Golaha ay ka sheegeen in loo baahannaa sharcigan iyo ansaxintiisa.

sharciga ladagaalanka Argagixisadda, waxaa  meel-mariyay  133 Mudane 7 qof ayaa ka aamustay halka ay diideen , 3 mudane sida uu Golaha shacabka ka sheegay Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe

Dhinaca kale Agaasimaha hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa xildhibaanada golaha shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixsada.

Mahad Salaad ayaa sheegay in sharcigan uu laf dhabar u yahay dagaalka lagula jiro kooxaha hubeesan, waxa uuna xusay in ansixinta sharcigan kusoo aaday xilli baahin weyn loo qabo dagaalna lagula jiro Al Shabaab.

Agaasimaha hay’adda NISA ayaa sidoo kale ka codsaday guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare in iyana ansixiyaan sharcigan la dagaalanka argagaxisada, uu tilmaamay in baahi weyn loo qabo si shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado argagaxisada

Leave a Reply

Your email address will not be published.