Kiisaska Dhulalka oo la hakiyay xal ma u keeni kartaa muranka dhulalka

Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa marka uu xafiiska la wareegay shaqadiisa ugu horeysay waxa uu ka bilaabay arrimaha muranka dhulka.

Muranka dhulalka ayaa ah kiisaska ugu waa wayn ee yaalla Maxkamadaha gobolka Banaadir kuwaas oo u badan muranka dhulalka iyo lahaanshihiisa.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah si KMG ah u hakiyay dhammaan arrimaha la xariira Dhulalka, gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yuusuf Madalle ayaa isagoo faray Agaasimiyaasha shaqada ku leh in ilaa amar dambe aan howlo la xariira dhul la qaban karin.

Maamulka gobolka Banaadir waxyaabaha ugu badan ee sanadahanba waxa ka taagnaa muranka ku saabsan lahaanshaha dhulalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale

Leave a Reply

Your email address will not be published.