Washington (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Soomaaliya oo la – hadlayay Jaaliyadda Soomaalida Dalka Mareykanka ayaa soo hadal qaaday gooni isu- taaga Somaliland.
Madaxwaynaha ayaa xusay in markasta Dowladda diyaar ay ula tahay Somaliland wada hadal iyo in la isugu soo dhaweeya danaha labada dhinac ee ku dhisan in la midoobo .
” Wax kasta oo xoojinaya gooni isu taagga Somaliland waa ka soo horjeednaa” ayuu yri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in wax kasta oo dhaawaacaya midnnimada dalka in aan la ogolaan karin laakiin diyaar ay u yihiin in ay fududeeyaan wax kasta oo ka hor imaan karin in markale la midoobo.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku dhuftay in marnaba qorshaha ugu jirin in Somaliland ay ku cadaadiyaan awoodda Dowladnimada taas bedelkeedana Dowladda ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso horumarkooda.
“Waxaan rabnaa in Walaalaheena fursad siino , xitaa dhankooda haka timaado midnimada iyo wadajirka ma jirto wax cadaadis ah oo aan saarayno ” ayuu yiri Madaxwayne Xasan Sheekh.
Madaxwaynaha ayaa tilmaamay in dhankooda diyaar u yihiin in qorshaha dhankooda uu ka yimaado oo ay soo diyaariyaan laakiin aan marnaba laga gorgortami karin in dalka la kala jaro.
Waxaa uu ku baaqay in doorkooda ay qaataan dadka Somaliland taas oo uu yiri Madaxwaynaha Soomaaliya waa in ay ku salaysanaata wadajirka labada dhinac.
Madaxweynaha ayaa xusay in xiligan aysan wax faa’ido u lahayn Shacabka in la kala fogaado hase ahaatee loo baahan yahay in wadajirka iyo midnimada dalka ay ahaato wadajir lagana shaqeeyo.
Leave a Reply