KIISKA Abdalle oo dib loo dhigay : Caddaaladda oo daahda waa caddaaladda oo la waayo !.

KIISKA Abdalle oo dib loo dhigay : Caddaaladda oo daahda waa caddaaladda oo la waayo !.

Muqdisho (Raxanreb ) Sida ay xaqiijiyeen qareennadeena, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dhageysigii afraad ee kiiska xorriyadda saxaafadda Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay Xoghayaha Guud Somali Journalists Syndicate – SJS ahna Xoghayaha Guud ee Dalladda  SMSJ mudane Abdalle Ahmed Mumin oo loo ballaansanaa Khamiista berito 26 Jannaayo 2023.

Sababta dib u dhigista ayaa lagu sheegay duruuf amni. Lama sheegin goorta dacwadda la geli doono illaa hadda.

Waxaa horay loo soo maray illaa saddex wareeg oo dhageysi ah kan beri dib loo dhigay ayaa ka dhignaan lahaa markii afraad oo la dhagaysan lahaa kiiska Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Al Cadalla.

Sidoo kale kiiska Xoghayaha SJS  Cabdalle Muumin waxaa gadaal ka taagan oo  maamulaya Wasiiru Dowlaha Madaxyooyada Abshir Bukhaari iyo Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Si kasta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali wax jawaab ah ama cadayn ah ka bixin sababaha loo haysto xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin oo ku xanuunsanaya magaalada Muqdisho isla markaana laga joojiyay dhaq dhaqaaqa

Caddaaladda oo daahda oo waa caddaaladda oo la waayo!.

Leave a Reply

Your email address will not be published.