Kismaayo (Raxanreeb ) Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in hoggaamiye ka tirsan kooxda Al- Shabaab ay ku dileen howlgal gaar ah .
Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab dheeg Axmed ayaa sheegay in 13 ka mid ah Al-shabaab la diley.
Ciidanka DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ciidanka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaannada ku xeeran wabiga jinkiisa.
Intaas waxa uu warkiisa ku daray in ay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab sida uu yiri.
Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalada ugu badan hadda ay ka socdaan deeganada ku dhaw dhaw magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Deegaanada maamulka Jubbaland ayaa mid ah – meelaha ay ku xoogan yihiin kooxda Al- Shabaab kuwaas oo maamulo magaalooyin muhiim ah oo ka mid ah gobolada Jubbooyinka oo ay ka mid tahay Jilib.
Leave a Reply