Ciidamo hor leh oo – gaaray Laascanood & sida wax  uga socdaan

Laascanood (Raxanreeb ) Maamulka magaalada Laascanood ee – gobolka Sool ayaa ku eedeeyay ciidanka Somaliland inay qafaasheen dad aan qeyb ka aheyn dagaalka socda.

Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa shaaciyay in Somaliland xasuuq ay ka wado Laascaanood, isagoo cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka iney garab istaag u muujiyaan dadka SSC

Magaalada Laascanood waxaa ka sii socda wali dagaalka  u dhaxeeya Somalilanad iyo kooxaha Kacdoonka ee diidan maamulka Somaliland.

Wararkii ugu danbeeyay ee magaaalada Laascanood ayaa sheegaya in magaalada degaanaansho aan caga badan ku taaganayd laga dareemayo , inkastoo meelaha qaar laga maqlayo rasaas teel – teel ah.

Dhanka kale waxa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee  loo jeedinayo dhinacyada wali isku haya magaalada Laascanood oo ka dhaqan gali la’ xabad joojin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.