Muqdisho (Raxanreeb)ย Kulankan Aqoon isweydaarsiga ah oo lagu Baranaayey Doorka Haweenka Siyaasada kujira ee goor dhow lagu soo gabagabeeyay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa ayaa Maalin-nimadii shalay waxaa furtay kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar
Kulankaan Aqoon Iswaydaarsiga ah oo soconaayey mudo labo maalin ah oo ay taageereysay Hay’adda dalada Bulshada Rayidka oo Kaashaneysa ๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฌ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐ฐ๐๐๐ซ๐ญ๐ ๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ข๐๐ (๐๐๐๐) ayaa lagu baranaayey xoojinta doorka ka qayb galka siyaasada iyo dhiirigalinta haweenka ku jira Golaha Shacabka ee BJFS.
Sidoo kale kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa Dhiirigelinta xildhibaanada haweenka ee ku cusub Golaha Shacabka iyo is dhaafsiga argatiyo ku aaddan wada shaqaynta Haweenka kujira Golaha Shacabka.
Aqoon iswaydaarsigan ayaa qeyb ka ah ballanqaadyadii uu horay u sameeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Kulanka ayaa waxaa soo xiray kusimaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mohamed Abdullahi Ciyow.





Leave a Reply