Colaad dad badan ku dhinteen oo Heshiis laga gaaray & Qodobo la isku raacay.

Colaad dad badan ku dhinteen oo Heshiis laga gaaray & Qodobo la isku raacay.

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo gobolka galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in lagu guulaystay in heshiis la kala dhax dhigo beelo walaala ah oo ku dagaalamay degaano mid ah gobolkaas.

Dagaalkan ayaa ka dhacay degaanka Qurax shire halkaas oo marar badan dagaalo ay ku dhaxmareen labada maleeshiyo beeleed oo iska dilay dad aad u badan oo ka soo kala jeeda galgaduud iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Saraakiil ka kala socda labada dhinac ee maamulka Balanbale iyo Liyuu Boolis ayaa gacan ka gaystay in la isu keeno labada maleeshiyo beeleed oo colaadooda muddo dheer soo jiitamaysay.

Dhinacyada ayaa soo bandhigay sida muhiim ay u tahay , in la dhameeyo khilaafka gacan ka hadalka ah ee labada beeleed u dhaxeeya iyo in si nabad ah beelaha ay ugu wada noolaadan degaanka.

Qodobada labada dhinac ay wada- gareen waxaa ka mid ah :

1-In Ciidamada ammaanku kala dhex galaan maleeshiyaadka oo hub ka dhigis lagu sameeyo muda 24 Saac ah Gudahood.

2-in laamaha amniga looga dambeeyo Amniga Goobaha Dagaalku ka dhacay.

3-In la sameeyo aag ka caagan Hubka ciddii Hub la timaadana lagala wareegayo.
4-In la Qabto shirar xal loogu raadinayo dagaaladii dhacay.

Tan iyo markii heshiiska labada beeleed ay wada gaareen ayaa lagu soo waramayaa in xaalady ay tahay mid degan oo maleeshiyada la kala qaaday lana sugayo dhaqan – galka qodobada la isa meel dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.