La Taliye Sare oo Madaxtooyada KGS ah oo  loo magacaabay Dr Maxamed Ibraahim Bilaal

La Taliye Sare oo Madaxtooyada KGS ah oo  loo magacaabay Dr Maxamed Ibraahim Bilaal

Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxweynaha  Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dr Maxamed Ibraahim Ali (Bilaal) U-Magacaabay La-Taliye Sare Arimaha Bulshada ee Xafiiska Madaxweynaha.

Talaabadan ayaa ka danbeysay ka dib wada hadal- dheer oo  in muddo ah u socday Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah aqoonyahan kaalin ku leh geedi socodka dowladnimada maamulka Koonfur Galbeed.

Aqoonyahanka maanta la magacaabay ayaa ka mid ahaa dadkii salka u dhigay ,  Heshiiska nabadeed ee  dhinacyadii isku hayay maamulka  Koonfur Galbeed , taas oo keentay markii dambe xasilooni siyaasadeed.

HOOS KA AKHRISO :

Leave a Reply

Your email address will not be published.