Fahad Yaasiin oo qoraal ka sameeyey geeridi S/Guuto Farxaan Qaroole !

Muqdisho ( Raxanreeb ) Wiil dhalinyara ah oo gaaban, oo misana caata ah, oo hadana bar-yar, bashaash ah, sida magaciisa ka muuqato aad Farxaan u ah,fariid-nimana u dhashay, fiiro dheer, hadal yar, misana qorshe dajisan kara, qarankiisa iyo madaxdiisana daacad u ah, dhiigiisa iyo
dhididkiisana u huray dalkiisa, godkii Jannadana u galay (Insha’allaah) isagoo difaacaya sharafta iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Magaciisa siduu u faafay, siduu u jin yaraa, iyo da’iisa siday u yarayd, intaas kaliya sabab uma noqon karin darajada uu gaaray ee wuxuu maqaam sare ku mutaystay daacadnimada, hawlkarnimada, wadaniyadda iyo qaran jacaylka qalbigiisa ku
abuurnayd.

Wuxuu kamid ahaa dhawr dhalinyaro ah, aan ku bartay shaqada amniga iyagoo ah saraakiil dhexe, wuxuuna aad u jeclaa inuu mar walba waxbarto oo uu aqoon ciidan kororsado, wuxuu qayb ka ahaa ciidankii laga wareejiyey Nabadsugidda ee loo wareejiyey Booliska.

Ma uusan iska dhigin Sarkaal xil raadinaya ee wuxuu la xarooday askar tababar loo xaraynayey oo lagu aasaasay ciidankii Haramacad, wuxuuna galay
dufcad tababar ku qaadatay Xamar iyo Turkiya.
Wuxuu soo laabatay isagoo helay aqoon Boolis, iyo tababarka hawlgallada gaarka ah, waxaana loo magacaabay Taliyaha ciidanka gaarka u tababaran ee Haramcad. Wuxuu lahaa sifo ay aad ugu yar tahay hoggaannada ciidanka, taasoo ah inuu saaxiib dhaw la ahaa ciidanka uu madaxda u yahay iyo inuu
daacad u ahaa qarankiisa.

Dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, intaba si daacad ah ayuu u gudanayey shaqada qaran, waana sababta dawladdii timaadaba ay u aamintay, oo uu
mustaqbalkiisa mar walba horumar u gaarayey.
Saddex qolo ayaa mudan inaan uga tacsiyeeyo geerida xanuunka badan ee ku timid
walaalkeen Halyeey Jeneraal Farxaan Maxamuud (Qaroole).

*Qolada koowaad waa qoyskiisa oo ay ugu horreeyaan waalidkiisa, xaaskiisa iyo
caruurtiisa. Waxaana leeyahay, geeridu waa xaq ee samir iyo iimaan Allaha idin ka siiyo,
marxuumkana Jannadii Alle ha geeyo, ilmihiisa iyo qoyskiisana Allaha dhawro oo
barakeeyo, waalidkiisana waxaan si gaar u leeyahay qadarta ilaahay raalli ku noqda, rabigii abuuray ee koonka keenay baa haddana naga ceshaday

*Qolada labaad waa Madaxweynaha iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne waxaan kula
qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsida geerida ku timid Jeneral Farxaan Qaroole, oo maanta Shahiiday isagoo gudanaya waajibka qaran ee aad fartay oo ah la dagaallanka Argagixisada.

Madaxweyne samir iyo Iimaan Allaha kaa siiyo, waxaana kuu rajaynayaa inaad ku guulaysato horumarinta tayada ciidanka iyo nabadayta qarankeena. Sidoo kale, ciidanka Booliska ee uu kamid ahaa Jeneraal Farxaan, waxaan kusii adkaynayaa in geerida Shahiidka qaranka Farxaan, ay ku dhaliso dhiiranaan iyo dhiigga iyo dhididka in loo huro dalka iyo dadka soomaaliyeed.

*Qolada Sadexaad waa Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan leeyahay, ogaada in dalkii ay u kaceen dhallinyaro waddaniyiin ah, leh xirfad iyo tababar ciidan oo sare, qarankoodana daacad u ah, kana mid ah qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida.

Sidaas darteed, boqollaal Farxaan oo kale ah oo booskiisa buuxiya, shacabkoodana difaaca
waan leenahay, waxaana ilaahay ka baryeynaa in madaxda qaranka uu haleeshiiyo in ay soo saaraan awoodda iyo tayada dhallinyarada kor u qaadi kara rajada iyo niyada shacabka Soomaaliyeed.

Walaalkay Farxaanoow, waan ogahay inaysan ku soo gaaraynin fariintan, laakiin waan ku khasbanahay inaan kuu soo diro. Farxaanoow, inaad jid xaq ah ku dhimatay, inaad dalkan daacad u ahayd, inaad sarkaal qaran ahayd ood ka saraysay siyaasadda waxaan
ku gartay, madaxdii umadda Soomaaliyeed oo dhan, khilaaf kasta oo dhexdooda yaalay, intey gees isaga dhigeen.

Waxaa mideeyey iney kuu wada duceeyeen, kuwada
amaaneen, iyagoo kuwada jecelna aad Shahiiday. Naftaadii dalkaad u hibaysay, geeridaadiina dadkay midaysay. Rabigay Jannada guri hakaaga yeelo, danbigaaga aduun xasanaad hakuugu baddalo, annagana gadaashaa Eebe nama fitneeyo.

waa ✍️MR Fahad Yasin
La-taliyihii hore ee Amniga Qaran

Leave a Reply

Your email address will not be published.