Maxaa loo xiray maanta waddooyinka magaalada Muqdisho ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa maanta oo sabti la kala xiray waxayna dadka iyo gadiidkuba isticmaalayeen dhabaha dhaxmara xaafadaha magaalada Muqdisho.

Waddooyinka qaar ee magaaalda Muqdisho ayaa la dhigay askar kuwaas oo diiday in la adeegsado waddooyinka hawlbowlaha ah ee caasimadda .

Sababaha loo xiray waddooyinka ayaa ah in Maydka , Taliyihii ciidanka – Soomaaliyeed Farxaan Qaroole Isbitaalka Digfeer lagula tukanayay Salaada Janaazada halkaas oo ay ku suganayeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Farxaan Qaroole ilaah ha u naxariistee ayaa shalay ku geeriyooday howl uu u aaday deegaano ka mid ah gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka ayaa waxaa uu Alle u weydiiyay naxariistisii jano sareeyaha iyo shuhaadadii la geeriyootay, sidoo kalana inta ku dhaawacantay ilaahay ha u booga dhayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.