Laascaanood : Jugta Madaafiicda Culus (Taangi)ayaa lamaqlayaa Dhinaca Dhulka Dhoodiga .

Laascanood ( Raxanreeb ) Aroortii hore ee saaka waxaa lagu soo waramayaa in hoobiyaal ciidanka Somaliland ay ku soo garaaceen hareeraha magaaladaas sida ay ku warameen goobjoogayaasha.

Jugta Madaafiicda Culus (Taangi)ayaa la maqlayaa Dhinaca Dhulka Dhoodiga ayay sheegeen dadka deegaanka oo la – hadlay warbaahinta waxaana la maqlayaa gariirka hoobiyaasha.

Hubka culus qaarkood ayaa ku dhacaya hareeraha iyo gudaha magaalada , mana jiraan  wax khasaaraha oo la soo wariyay , maadama aroor hore ay tahay.

In ka badan 210 ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen dagaalka dad intaas ka badana waa ay ku dhinteen  , waxaase barbar socda barkaca ay sameeyeen dadkii ku noolaa magaalada Laascanood

Dagaalka oo aan laga gaarin wax xal ah ayaa sabab u noqda in magaalada markasta ay ka dhici karaan weeraro joogta ah oo ay soo qaadaan ciidanka Somaliland ee duulaanka ku ah dadka gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn ku nool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.