Muqdisho (Raxabreeb )- Shirkii Madasha Maamul Goboleedyada, Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir ee bartamihii sanadkii hore dhacey waxay dhinacyadu ku heshiiyeen 12 qodob oo midna aan dhaqangelin:
- In dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo kaliya, taas oo noqonaysa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation Closed-List), sidoo kalena liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta loo tartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo.โ
- In xubnaha Barlamaanka ay dadweynuhu si toos ah oo qarsoodi ah u soo dooran doonaan, iyada oo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan .
(Contradiction: doorasho xisbiyo badan “multi party system” iyo 3 xisbi oo liiska doorashada xiran ku dhaceysa) - In dalka yeesho nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-Xigeen oo shacabka Soomaaliyeed hal warqad ku dooranayaan ayadoo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan. WAA BUREY!
- In doorashada xubnaha golayaasha deegaanka dalka oo dhan si toos ah ay u soo dooran doonaan bulshada ku nool degmada, iyada oo ay ku tartami doonaan ururada siyaasaddu. Waxaana xisbiyo qaran u soo gudbaya labada urur siyaasadeed ee ugu codka badan (Waa burey)
- In doorashooyinka dalka ay dhacaan shantii sanoba hal mar, iyadoo lagu heshiiyey in doorashooyinka dawladaha hoose ay dhici doonaan, ๐๐-๐ค๐ ๐๐ข๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ง๐ ๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐ง๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐, halka doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ay dhici doonto ๐๐ข๐ฌ๐ก๐ ๐๐จ๐ฏ๐๐ฆ๐๐๐ซ ๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐ง๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐.
30ka June 2024 iyo bisha November 2024 ma jiraan ifafaalo doorasho dadweyne kaga qabsoomi karaan degmooyinka & maamulada dalka. Waa cadeyn extension hor leh oo haddana aan sharciyad haysan oo ay helaan maamulada goboladda markii 3aad; (shirka madasha ee dhici doona dhowaan).
Isku soo duub, waxaan shaki ku jirin in hoggaanka dowladda rabo muddo xileedka dowladda ee bisha May 2026 ka dib in kuraasta baaqi lagu sii ahaado ilamaa doorasho qof iyo cod dalka laga qabanaayo taasoo caqabo badan ay ku horgudban yihiin. Si kale haddii aan u dhigo qorshahan doorasho ayaa ah in Dowladda & Goleyaasha barlamaanka ee hadda jooga ay si isku mid ah u heli doonaan muddo kordhin ilaa doorasho qof iyo cod laga xaqiijinaayo.
Leave a Reply