Laftagareen “Barlamaanka iyagaa kordhiyay muddada haddii berri ka laabtaan waxba kama qabo”

Laftagareen “Barlamaanka iyagaa kordhiyay muddada haddii berri ka laabtaan waxba kama qabo”

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen  ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xilligan laga hadlo muddo kordhin uu samaystay.

Hadal uu ka jeediyay munaasbad uu ugu dabaal- degayay ayuu Cabdicasiis Laftagareen waxa uu ku soo hadal qaaday  muddo kordhinta warka ku saabsan inuu doonayo in xukunka isku dhejiyo.

Barlamaanka maamulka koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay is waafajiyeen muddada doorashada iyo xil haynta  doorashada madaxwaynaha koonfur Galbeed .

“Iyaga waqtiga kordhiyay beri haddii ay ka laabtaan beri  diyaar ayaa u ahay ” ayuu ka sheegay xaflada uu ugu dabaaldegayay sanad guuradiisa 4aad.

Intaas waxaa uu ku daray hadalkaas in ay jiraan siyaasiin doonaya in ay qalalaase ka abuuraan koonfur galbeed , isaga oo xusay in aan la ogolaan doonin in la qalqalgaliyo amniga.

“Qof siyaasad u xanaaqsan sharciyadeena iyo nidaamka dowladnimada midna waxba kama badalaayo, Badbaado Koonfur Galbeed wax la yiraahdo ma jiraan, badbaadadda KGS qofkii raba Shabaab haka badbaadiyo” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Si kastaba siyaasiinta deegaanada maamulka koonfur galbeed ayaa ku baaqaya in laftagareen uu baneeyo xafiiska isla markaana la qabto doorasho la isla ogol yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.