Muqdisho (Raxanreeb )- Olole xoogaan ayaa – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxay ugu jiraan sidii ay ugu guulaysan lahayeen kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Labada dowladooda ayaa galangal xoogan saamaynayay saacadihii la soo dhaafay waxaana la ogayn halka ay ku danbeyn doonaan dadaaladan Soomaaliya iyo Kenya ay ugu jiraan kursiga AU.
Soomaaliya oo la sheegayo in ay kamid tahay musharrixiinta ugu cadcad ee kursigan ayaa waxa ay u soo xulatay in ay jagadaasi u tartanto Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Waxa ay la tartamaysaa Raila Odinga oo Kenya ay u wadato in uu kursigaan ku matalo maadaamada jagada ay sanadkan leeyihii dalalka Bariga Afrika.
Jagada hadda loolan loogu jiro waxaa ku fadhiya oo ah guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Musa Faki Mahamat.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Fowsiyo Xaaji ayaa sheegtay in ay rajo wanaagsan ka qabto sidii ay ugu guulaysan lahayn guddoonka Midowga Afrika.
Leave a Reply