Muqdisho (Raxanreeb ) – Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 20aad Kalfadhiga 4aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku wehelayay ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadida ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutubka 2-aad Xauquqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed, Qodobka 31-aad-41-aad.
Xildhibaannada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka, waxaa looga dooday, xaqa helidda xogta , xaqa ilaalinta xogta shaqsiga, go’aano maamul oo caddaalad ah, xaqa Dacwadda iyo isdifaaca,xuquuqda Eedaysanaha iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen Isucelinta
Eedeysanayaasha iyo Dabiilayaasha isla markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sanatarrada uga doodeen sixidda Ku-xadgudubka xaquuqda Aadanaha iwm.
Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin oo soo xirtay Fadhiga maanta ayaa waxay sheegtay in malinta isniinta uu bilaawan doono Cudubka 3aad ee ka doodista Dastuurka Dalka.
Leave a Reply