Ma dhaqan gali karaan go’aannada laga soo saaray doorashada Somaliland ?

Ma dhaqan gali karaan  go’aannada laga soo saaray doorashada Somaliland ?

Hargaysa (Raxanreeb) Magaalada Hargaysa ee Somaliland , waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in la isugu keeno , Hoggaamiyaasha mucaaradka iyo Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi oo wajahaysa cadaadis siyaasadeed oo aad u xoogan.

Dadaaladaas waxaa horkacaya Guddi ganacsatada ah kuwaaas maalmihii la soo dhaafay la kulmayay dhinacyada siyaasadda isku haya ee ku sugan magaalada Hargaysa.

Guddiga oo u badan Ganacsato ayaa xalay soo saaray go’aannadooda kama dambeysta ah ee ku aaddan sidii looga gudbi lahaa muranka dhinaca doorashada ah .

Murankan labada dhinac u dhaxeeya ayaa keenay in magaalooyin ka mid ah Somaliland ay ka dhacaan rabshado sababay dhimasho iyo dhawaac.

Guddiga ayaa sheegay in ay go’aamiyeen in hal mar la wada qabto doorashada iyo diwaan galinta xisbiyadda , isla markaana la dadejiyo.

waxa ay sidoo kale ay soo jeediyeen in doorashooyinka si sidkan loo wada qabto si waqtiga loo soo koobo kana wanaagsan una wanaagsan dadka Somaliland.

Guddiga ayaa go’aamiyay in mar kaliya la wada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, qodobkaas oo ahaa kan ugu muhiimsan ee uu khilaafku ku saleysnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.