Maka dhabaa hadalka uu sheegay Wasiirka Gaanshaandhigga ?

Maka dhabaa hadalka uu sheegay Wasiirka Gaanshaandhigga ?

Beledwayne (Raxanreeb)Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan sida uu yiri howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in si loo xoojiyo howlgalada lagu jabinayo Al- Shabaab dhankooda diyaar ay ula yihiin ciidanka garab istaag iyo ay daboolaan baahida ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka digayso in la caraqaladeeeyo howlgalada socda.

“Waxa uga digaya ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladd in dhexdooda la iska horkeeno si loo wiiqo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Hadii Wasiirka gaandhigga uu ka dhabeeyo hadalka ku saabsan daboolida baahida ciidanka Dowladda iyo garab istaagooda ayaa la rumaysan yahay in wax badan ay ka tari karto howlgalada ka socda gobolka Hiiraan.

Howlgalka ciidanka ay ka wadaan gobolka Hiiraan ayaa ahaa mid socday in muddo ah oo ay horkacayeen masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Hiiraan Cali Jayte.

Leave a Reply

Your email address will not be published.