Baraawe (Raxanreeb) Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la joogo waqtigii caruurta iyo xaasaska Al- Shabaab laga saari lahaa magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Hadalkan waxaa sheegay Wasiir maamulka Koonfur Galbeed u qaabilsan amniga oo lagu magacaabo Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Abdulkadir Maxamed.
Xasan Abdulkadir Maxamed ayaa sheegay in magaalada ay isaga baxaan sida uu yiri xaasaskaga iyo caruurta kooxda Al- Shabaab , isagoo sabab uga dhigaya keliya in ay yihiin caruurta iyo xaasaska kooxda Al- Shabaab.
Intaas waxa uu warkiisa ku daray in suurtagal ahayn in Al- Shabaab dadka ay dhibaateeyeen caruurtooda iyo xaasaskoodana ay sii joogaan magaalada Baraawe ee Shabeellaha hoose.
“Lama aqbali karo in Shabaab ay dhibaateeyaan dadka deegaanka, isla-markaana ay qoysaskoodu joogaan magaalada” ayuu yiri Xasan Abdulkadir Maxamed
Wasiirka ayaa sheegay inuu caasimadda Koonfur Galbeed ee Baraawe u joogo diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya gobolka Sh/hoose.
Leave a Reply