Maalintii labaad oo rabashado ay ka socdaan Laascanood & suuqyada oo xiran.

Maalintii labaad oo rabashado ay ka socdaan Laascanood & suuqyada oo xiran.

Laascanood ( Raxanreeb ) Mudaharaadyo ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood kaas oo shacabku kaga soo horjeedaan dilalka Haldoorka magaaladaasi iyo Maamulka Somaliland.

Dhinaca kale waxa maalintii saddexaad xidhan ganacsiga magaalada iyo dhammaan xarumaha waxbarashada.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo la sheegay in laga soo qaaday suuqa magaalada ayaa muujinaya goobaha ganacsiga oo xiran iyo waddooyinka oo cidlo ah.

Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadka dibadbaxa dhigayay balse ilaa iyo hadda ma jirto faah-faahin rasmi oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dibaxyadii ugu dambeyay.

Ciidamada Somalilanda ayaa rasaas nool nool u adeegsaday dadka dhigayay bannaan baxa looga soo horjeeday, waxaana  magaaladaasi dhaawac ay u geesteen ciidamada Somaliland ugu geeriyooday wiil dhallinyaro, halka labo qof oo kalana horey u dileen

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay qaybaha bulshada ee gobolka Sool in xaaladda magaalada Laascaanood la xakameeyo oo ay ka shaqeeyaan in dhib dheeraad ah aanu ka dhicin magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.