Maamul Goboleedyada iyo Farmaajo oo hor boodaya  hamblayada loo dirayo Ruto

Maamul Goboleedyada iyo Farmaajo oo hor boodaya  hamblayada loo dirayo Ruto

Nairobi (Raxanreeb) Dalka Kenya waxa Madaxwaynaha 5aad   loo doortay William Ruto oo bedeli doona Madaxwayne  Uhuru Kenyatta oo  xukunka hayay laba xili oo is xig xigay.

Waxyar uun ka dib markii lagu dhawaaqay ,  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo madaxwaynihii hore   iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa  u diray madaxwaynaha la doortay Hambalyo.

Talaabadan ayaa dad badan  oo baraha bulshada adeegsada siyaabo kala duwan  uga falceliyay oo qaarkood waxa ay ku timaameen in ay tahay talaabo laga wanaagsanaa  oo ay la sugaan Dowladda Dhexe.

Dad badan oo kale ayaa sheegaya in natiijo aan wanaagsanayn ay ka dhalan  karto deg dega hambalyada maamul goboleedyada qaar ay u dirayaan madaxwaynaha dooran ee Kenya Mr Ruto.

Dalka Kenya oo ay 9-kii bishan ka dhacday doorashada guud oo natiijadeeda lagu dhawaaqay shalay, wuxuu yeeshay madaxweyne dooran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.