Gedo ( Raxanreeb Online) Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, ayaa si kulul u weeraray dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay in ay wado qorsho hali gelin kara, amniga iyo adeegyada bulshada ee gobolka.
Madaxweyne ku-xigeenka, oo kulan fogaan arag ah la yeeshay mas’uuliyiin katirsan xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa ugu warbixiyay xaaladda bani’aadanimo ee kasii dareeysa gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.
Waxa uu tilmaamay Maxamuud Sayid Aadan, in tallaabooyinkii ay qaaday dowladda federaalka, sida xayiraada garoomada diyaaradaha, joojinta mashaariicda horumarineed iyo fara-gelinta maamulka deegaanka, ay xaalada uga sii dartay.
“Villa Somalia, waxa ay kawadaa gobolka Gedo, sida burburinta amniga gobolka, xayiraadda garoomada diyaaradaha, iyo joojinta mashaariicdii iyo adeegyadii bulshada ee gobolka ka socday” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland waxa uu ugu baaqay waxgaradka Jubbaland inay ka hortagaan qorshaha dowladda federaalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaad yar oo dano gaar ah leh aysan go’aamin karin masiirka shacabka gobolka Gedo.

Leave a Reply