Beledwayne (Raxanreeb ) Ciidanka Maacawisleyada ayaa weerar ku qaaday Degaanka Geed-weyne oo u dhaxeyo Degmada jalalqasi iyo Degaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa Sheegaya inu halkaas dagaal kooban Al-Shabaab iyo kooxada Macaawislayada ku dhaxmaray Waxaana La Soo Wariyay khasaara Dagaalka ka dhashay.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka ee ka dhacay inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buurwayn ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Jayte Cismaan ayaa Sheegay In ay sii wadi doonaan Dagaalka Ka Dhanka Ah Alshabaab Xilli Aan La Ogayn Inta Ay Ku Qaadan Karti Soo Afjarista Howlgalada Ka Dhanka Ah Al Shabaab.
Weerarka Macawisleyada ee Nawaaxiga Degmada jalalqasi ayaa imaaneyso Xili inta badan Gobolka Hiiraan Ciidanka Degaanka aay is Abaabul Ka dhan Al-Shabaab ka bilaabeen.
Shalay Dagaalyahanada Al -Shabaab ayaa Ku gubay gawaari Sidoo Kalana waxa ay Halkaas Ku soo bandhigeen Maydadka Dad Ay Ku Sheegeen Inay Ka atirsanaayen Maleeshiyada Macawiislayda oo Dhawaanahaanba.
Dadka dhintay waxaa ku jira 18 qof oo ka mid ahaa rakaabka gaadiidka la gubay halka saddex qof kalena ay dhinteen ka dib markii gaari ay saarnayeen miino kula qaraxday meel u dhow deegaanka ay Al-Shabaab ku gubtay gaadiidka
Leave a Reply