Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirka Bartoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Dowladda aysan ku dhawaaqin dagaal ka dhan ah Al- Shabaab ee dagaalka uu ahaa mid socday.
Wasiirka ayaa sheegay in uusan ogayn meel looga dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab , isagoo xusay in uusan ka war hayn halka laga keenay dowladu uma diyaargaroobin dagaalka.
“Dadka dhahay dagaalbay iclaamisay , ma aqaano halka uu ka yimid dagaalka Al- Shabaab uu socday marka ma aha sax in la yirahda Dowladda uma diyaargaroobin ” ayuu yiri Wasiirka Batroolak Xukuumadda Federaalka Federaalka.
Wasiir Cabdirisaaq ayaa difaacay warka ku saabsan in Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday dagaal aysan u diyaarsanayn markasta ayuu tilmaamay in uu socday dagaalka.
”Dowladda iyo shacabka waa in ay isu garab siiyaa sidii Al- Shabaab loogu xorey lahaa guud ahaan dalka keliya yaa la sugin Dowladda ” ayuu yiri Wasiirka.
Si kastaba Weerarada Al-Shabaab oo si weyn u baahay ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah kooxda, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May.
Leave a Reply