Dowladda Federaalka ‘’ 40 Al- Shabaab ah ayaa lagu dilay Mudug ‘’

Xarardheere (Raxanreeb ) War ka soo  baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Dowladda iyo kooxaha deegaanka ay qaadeen howlgal gaar ah oo ka dhan ah kooxda Al- Shabaab

Waxa la sheegay in howlgalkan oo ahaa mid qorshaysan la beegsaday xubno Al- Shabaab ah kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Beer Faarax oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Waxay sidoo kale sheegeen Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaan iney ciidamada dowladda si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Beer Faarax.

Dowladda  Federaalka saraakiisha ayaa sheegay in ku dhawaad 40 ka mid ah kooxda Al- Shabaab lagu dilay duqeymo iyo weeraro is bar bar socday oo lagu qaaday deegaanka Beer  Faarax oo hoos taga degmada Xarardheere.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-shabaab oo ku aadan khasaaraha lagu gaarsiiyay howlgalka weerarka iyo duqeynta is barbar socotay

Leave a Reply

Your email address will not be published.