Madax booqatay ciidamo loo diyaaray howlgallada ka dhanka ah Al-ShabaabJubbaland

Madax booqatay ciidamo loo diyaaray howlgallada ka dhanka ah Al-ShabaabJubbaland

Kismaayo (Raxanreeb) — Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ciidamada Qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka billaabanaya deegaannada Jubbaland.

Madaxweynaha waxaa wehelinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo Jubaland u joogay Maalmahan sidii Dowladda Federaalka iyo Jubaland ay u bilaabi lahayeen howlgallo midaysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka isla markaana ay diyaar u yihiin xorreynta dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marka deegaananda la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida sidoo kalana la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay u soo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab lagu jabiyay dagaalka kasocda gobolada dalka isla markaan la is raacin doono lagana xoraynayo deegaanada Jubaland oo ah halka howlgalka xoogiisa uu ka bilaaban doono isagoo uga digay dadka shacabka ah inay ku kadsoomaan dacaayadaha iyo wararka beenta ah.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa ku amaanay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Abdi Barre sida ay uga go’an tahay nabad kusoo celinta dalka iyo ka saarista Al-Shabaab taas oo hadaba guulo la taaban karo laga gaaray.

DCIM\101MEDIA\DJI_0609.JPG
DCIM\101MEDIA\DJI_0582.JPG
DCIM\101MEDIA\DJI_0587.JPG
DCIM\101MEDIA\DJI_0596.JPG
DCIM\101MEDIA\DJI_0578.JPG

Leave a Reply

Your email address will not be published.