Ciidanka Dowladda oo gudaha u galay saacado badan ka dib Hotelka Villa Rose.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka ayaa gudaha u galay goor dbaw inta badan Hotelka Villa Roosr halkaas oo gudaha ay ugu jiraan kooxda Al- Shabaab.

Waxa la sheegay in la toogtay koox ka mid ah xubnihii ka dhex dagaalamaysay.

Hotelka oo ku yaala meel cariiri ah oo aan ahayn goob lagu dagaalami karo ayaa adkeeysay in uu dheeraado waqtiga weerarka ugu danbeeyn waxa socota hubinta amniga goobta oo qaraxyo ay ku xireen kooxda meesha ka dagaalamaysa.

Dowladda Soomaaliya welo kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan saacadaha qaatay ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab oo maalmihii u dambeeyey kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha caasimada.Booliiska ayaase shaaca ka qaaday in dad badan oo iskuugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka Villa Rosa

Leave a Reply

Your email address will not be published.