Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar qaatay in ka badan 18 saacadood oo ay AS ku qaadeen Hotel Villa Rosa oo aan sidaasi uga fogayn Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa la soo werinayaa in khasaare badan uu ka dhashay weerarkan balse weli ma cada khasaaraha ka dhashay weerarkan lagu qaaday hotelka Hotel Villa Rosa.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya oo sheegay in lasoo afjaray weerarkii Hotel villa Rosa.
waxa uu sheegay Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe in weerarkaas ay ku dhinteen sideed qof halka ay soo badbaadiyeen lixdan qof sida uu sheegayna aysan jirin wax dhawaacyo ah.
Ciidanka Dowladda ayuu sheegay Afhayeenka in ay dileen 5 ka mid ah kooxdii weerarka soo qaatay , halka mid ka mid ah uu is qarxiyay sida uu hadalka dhigay.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo deegaano badan kala wareegay kooxda.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida lagu baahiyey qoraal lagu daabacay warbaahinta taageerta kooxda.
Waxaa la sheegayaa inay jiraan dad waxyeello ay ka soo gaartay weerrarkaasi oo dhimasho iyo dhaawacba leh, kuwaas oo ay dadku iskula wadaagayaan baraha ay bulshada ku wada xiriiraan, illaa iyo haatanse lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu ka tagay weerrarkaasi.
Leave a Reply