Garoowe(Raxanreeb) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inuu gaaro magaaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Safarka Madaxwaynaha ayaa salka ku haya sidii la isugu soo dhawayn lahaa Dowladda Dhexe iyo Maamulka Puntland oo xiriirkooda uu mugdi ku jiro.
Wafdi horudhac u ah Madaxwaynaha Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray magaaalada Garoowe halkaas oo kulamo ay kula qaateen Madaxwaynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni.
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxwayne Deni ayaa isla soo qaadi doono sidii loo wanaajin lahaa wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo maamula Puntland.
Puntland ayaa aad u dhaliishay hanaanka Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu u maray magacaabista Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.
Safarka madaxweynaha ee Puntland ayaa noqonayo kiisii saddexaad ee uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii 15-kii May, wuxuuna horey u soo booqday dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug.
Leave a Reply