Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan , Caafimaadiisa & Ololaha Doorasho

Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan , Caafimaadiisa & Ololaha Doorasho

Istanbul (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Turky-ga ayaa lagu soo waramayaa in ay la so deristay xaalad caafimaad oo saamayn doonto ololahiisa doorashada.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta  baajiyey isu soo baxyo olole doorasho, oo uu qaban lahaa .

“Haddii Allah uu ogolaado, waxaan barnaamijkeena sii wadi doonaa berri. Waxaan dhammaan muwaadiniinteena u rajeynayaa caafimaad, nabad iyo damaashaad,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa waday olole doorasho oo aan kala joogsi lahayn, si uu beddelo hoos u dhac ku yimid aragtida ay ka qabaan shacabka.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa  lagu waday inuu ka qeyb galo furitaanka xaruntii ugu horeysay ee quwadda Niyukleerka .

Balse waxaa xilli dambe la shaaciyay inuu xafladda uga qeyb gali doono qaab muuqaal fogaan arag ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa rajadiisa wiiqay xasarado dhaqaale iyo saameyn xooggan oo ka dhalatay dhul-gariir dalkaas ku dhuftay bishii Febraayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.