Xilka miyaa laga qaadayaa Generaal Odawaa Yuusuf Raage ?

Xilka miyaa laga qaadayaa Generaal Odawaa Yuusuf Raage ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in suurtagal ay tahay in la bedelo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa aad u xoogaystay saacadihii la soo dhaafay suurtagalnimada in meesha laga saaro Taliyaha ciidanka xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo ka mid ah saraakiisha la soo shaqaysay maamulkii Farmaajo.

Qorshaha ka qaadista xilka Odowaa yaa la sheegay in salka ay ku hayso isbedelka Hoggaanka ciidanka iyo sida la sheegay guuldaro badan oo soo wajahday ciidanka intii ay ku jireen howlgalada.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Soomaaliya Villa Soomaaliya uu ka waday , la tashiyo ku saabsan sidii loo bedeli lahaa sarakiisha ciidanka uu  ka mid yahay Generaal Odawaa  Yuusuf Raage.

Tan iyo markii xilka uu yimid Madaxwaynaha Soomaaliya waxaa soo baxayay suurtagalnimada in Odawaa si deg deg ah u bixi doono hase ahaatee muddo ka badan 11 bilood ayuu la shaqaynayay Madaxwayne Xasan Sheekh

Dhinacyo badan oo Dowladda ah ayaa rumaysan  in la joogi waqtigii jeneraal Odawaa meesha laga saari lahaa,  isla markaana ay wanaagsan tahay in howlgalka uu hoggaamiyo Taliye cusub .

Leave a Reply

Your email address will not be published.