Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Xogta safarkiisa ee Washington.

Washington (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Washington ee dalka Mareynka kaga qayb galay shir caalami ah oo ku saabsan dayn cafinta.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka deyn cafinta ee uu uga qayb galayo Washington ka sheegi doona halka ay – marayso qorshaha deyn cafinta iyo sida ay tahay dowladaha ay ula macaamilaan Soomaaliya.

inta uu Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay dalka Mareykanka waxaa lagu wadaa in halkaas uu kulamo kula yeesho dhinacyada daneeya arrimaha Soomaaliya ee ka soo qayb galay shirka.

Ka hor safarka Mareykanka ee Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qayb galay caleema saarkii Madaxwaynaha dalkaas sidoo kalena waxa uu madaxwaynaha wada hadal uu la yeeshay madaxwaynaha dalkaas.

Madaxwaynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii May maalmo ka dib doorashadii Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh amray in Ciidamada Mareykanka dib loogu celiyo Soomaaliya.

Wixii warkan ku soo kordho kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.