Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qayb galaya aaska Queen Elizabeth II

London (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ujeedka Madaxwaynaha ee UK ayaa ah sidii uu ugu qayb gali lahaa aaska Boqoradii Ingiriiska Queen Elizabeth II oo madax kala duwan ay ka qayb – galayso .
Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa ka dhoofay dalka Mareykanka halkaas oo maalmahan ay ku joogeen booqasho rasmi ah.

Ka dib ka qayb galka Madaxwaynaha Soomaaliya aaska Boqoradii ingiriiska ee geeriyootay Queen Elizabeth II waxa lagu wadaa inuu la kulmo Jaaliyadda Soomaalida dalkaas.

Dhammaan dalalka uu xiriirka diblomaaisyadeed kala dhaxeeyo UK ayaa lagu casuumaa munaasabadaha aaska qaran ee dalkaas.

Dhanka kale, kumannaan qof ayaa weli saf u galaya inay daawadaan naxashka boqoradda oo yaalla Westminster Hall.

Shirkadda gaadiidka London ee (TfL) ayaa soo saartay digniin ay dadka uga digeyso inay sii qorsheystaan haddii ay doonayaan inay london u yimaadaan aaska boqorad Elizabeth

Leave a Reply

Your email address will not be published.